kalgacaylkii kaayahaagii
kor uqaadeed
kaamil yeeshaan
kaaga mahadnaqi
kolay tihid
qorax kaadiyo
dayaxaa kore
nuur i kaafiyay
waxaa tahay kiin
ruux la kor dhigo
kidiin geeloo
konton riman tahy
ee aan kaa helo
haye kaliyoon
koldhoow soo tubo

kalagacaylkii
kaayahaagii
dhibta ka jirtee
farxad ku kabtaan
kaaga mahadnaqi
kiishash dahabiyo
koonka oo idil
miyaan kaligaa
ku ag dhigayaa
nafta kuligeed
kuu hibeeyee
kaydka caashaqu
laabtu kuu furan
haye kaliyoon
ku idhaahdiyo
kalmad iyo eray
kaama hagran karo

Exit mobile version