indho urooneey
uurkaad igaga taalaa
sida roob aroor da,ay
ama uduga saxansaxo
adigaa udgoon lee
allaa qurux ku siiyoo
eegmada u wacaneey
aabe iyo hooyadii
edaabtiyo ku baray dhaqan
abaalkood ma gudi karo
balse inaan ogsoonay
adna aan ku jeclahay
iigu sheeg indho urooneey

indho uriooneey
aduunyada intaan jiro
idilkood haweenkaba
adaan kaa dhex doortoo
naftu ku ogolaatee
dayax oo iftiimiyo
ubax baxay la moodyeey
aabe iyo hooyadii
edaabtiyo ku baray dhaqan
abaalkood ma gudi karo
balse inaan ogsoonay
adna aan ku jeclahay
iigu sheeg indho urooneey

lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version