Ushiyo markaan
Amarkaba dhammaan
Aheed kugu iree

Kali aynigaa
Kaa ishaartay
Bal maxaad ibtiloo
La abaabushoo
Irdho kuugu wacan
Anoon kugu gafin
Ololkiyo maxaa keenay afxumada

Haddii aan ismooy
Kaa aarsan lahaaa
Aayaha danbiyo
Rajaan eegayaa
Eed waxaad fashayna
Ubadkaan dhalaan ku illaawayaa
Aqliyo dulqaaad
(Raganimo )
Ilaaah ii dhashaan
Kuugu arxamaaa

Ujeediyo siduu uurkaygu raboo
Alla waa ogyee
Aadmiguu marnaba ma abbaari karo
Qofba aragtidii haddiii loo akhriyo
Waa ayaaan darreee
Aqoon gaabniyo kalkaagoo irmaan
Ayaad ahee ku anbatee

Haddii aan ismooy
Kaa aarsan lahaaa
Aayaha danbiyo
Rajaan eegayaa
Eed waxaad fashayna
Ubadkaan dhalaan ku illaawayaa
Aqliyo dulqaaad
(Raganimo )
Ilaaah ii dhashaan
Kuugu arxamaaa

Exit mobile version