VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kabax maanka - Lyrics

Hillaac meel ka bidhaama Boqol reer ka shisheeya Biyihiisiyo roobku Kuma oon bixiyaane 2x Baahidaa kalgacaylka Anigoo ubuseelay Baal haddaad iga dhaaftay Ood baxnaano illowday 3x Qof bogaadsha naftayda Dhibiyo baylah udiida Boqrataan helayaayoo Waan ka beegsanayaaye Kabax maanka kabax maanka Kabax maanka bislaaday Eed bukaanka ku reebtay Kabax maanka Sheekadaynu bilownay Kalgacaylka ku beernay Mana baylihiyeene Ballantaan dhigannaaba Haddii aad ka baxayso Badankaygiyo jiirka Bartii aad kaga taalli Alloow yaa bir ku gooya Waan bogsooni lahaaa Dumar waa badan yihiine Mid bidhaantiyo muuqa Bilicdeeda layaaboo Waan ka beegsanayaaye Kabax maanka Kabax maanka bislaaday Eed bukaanka ku reebtay Kabax maanka
Queue is empty
-- / --