lulu iyo ubaad baxayoow
laydh caafimaadoow
cirkuu sagal ku ladhan yahaa
ladanoow kugu masaalaa

labi baxay la modyeey
ubax laacay baa tahay
kuma luroo illaahay
kaa dhawr lugooyada

lamaanaha waxaa nahay
ka laxiiba yeeshay
ayaan laynakala lumin

kuu ogi libtaadii
ha iga liicin walga

waligaaba liibaan
nacab kaama lib helo

kugu laab qaboobee
adna laaso raaxada

laqan iyo magool baxayeey
ubax laysla ladaabtoow
laamaha ka mudhay baan
ladanoow kugu masaalaa

laxawgii jacaylke
qalbigeena laasimay
ka bogsaday lurkiisoo
caawaan ladaynaa

lamaanaha waxaa nahay
kka laxiiba yeeshee
ayaan layna kala lumin

kuu ogi libtaadii
ha iga liicin waligaa

waligaaba liibaan
nacab kaama libin helo

kuu laab qaboobee
adna laaso raaxada

Exit mobile version