VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Mahdia - Lyrics

Dihashadaa cadcadeediyo, Xidigtii dagaaraay Dooggiyo caleentiyo, Dhirta ubax dilaacaay, Jeegaan is dadabtaay, Hilaacii daruurtaay, Daadka roob da'aayaay, Dayaxoo habeenkii, Iska rogay daboolkaay, x2 Biyo dahab la moodyeey, Dirkii Xuural Cayntaay, Da'daa waxaad u sidataa, Dhaqankiyo dadnimadoo, Waxaad dumarka dheertahay, Dan wanaagsanaantiyo, Dabcigiyo xishoodkee, x2 Mahdiyaay ku doortee, Jacaylkaagu waa deeq Mahdiyaay i deeqdee, Marwo lagu degaa tahay Mahdiyaay Munaay danteydaay, Da'daad ii xambaartiyo Kuwaad dihatay een dhalay, Sidaad ugu dadaashiyo Sidaad noogu diran tahay Ma wax dunida yaaloo Lagu doorsan baa jira? X2 PAGE-KA 2AAD Daruuraha ku hoodhiyo, Naqa buurta Daalaay, Ama daraaya moosiyo, Daa'uus la moodyeey, Dabiibkii naftaydaay, Diirimaadkii laabtaay, Dugsi lagu hirtaay, Gobanimo dir soociyo, Dun xariir u dhalataay, x2 Darajadaa haweenkaay, Hal doorkii asluubtaay, Da'daa waxaad u sidataa, Dhaqankiyo dadnimadoo, Waxaad dumarka dheertahay, Dabacsanida hadalkiyo, Deganaanta weeyee, X2 Mahdiyaay ku doortee, Jacaylkaagu waa deeq Mahdiyaay i deeqdee, Marwo lagu degaa tahay Mahdiyaay Munaay danteydaay, Da'daad ii xambaartiyo Kuwaad dihatay een dhalay, Sidaad ugu dadaashiyo Sidaad noogu diran tahay Ma wax dunida yaaloo Lagu doorsan baa jira? X2
Queue is empty
-- / --