mahdiyaay muunaay
ma huraankiyeey
miisan cadceed
aroor soo mudh tidhi
macaaneey dhigaa
ka dhex muuqaatee
mawlahay ku daa
muuqiyo billicdaada
u mabsuuday
mahdiyaay ag joogaaga
kama maarmo
maankana cishqigu
mahdiyaay
kama maydhmo

waa lama maleeyaan
macnaheeda duniduye
murugiyo dhibaatiyo
wanaageed macaankeeda
midii aan la kulanaba
mar hadaad adigu
marwo ila jirtiyo
mahdiyaay ku qanacsani
xabiibi
dadka meesha xumihiyo
xaasidkiyo mushkiladiyo
waxaan uga maarmayee
mabda,oodu ii dhibin
kalsoonida muhiimka ah
magac dheeriyo
milgo oori leh
xidhoodku mariimo
marley uu yiiyo
macbuudku isii
marwo qaaliyaa
maanshaa alleh
magaceed ha jiro
muuqiyo bilicdaada
u mabsuuday
mahdiyaay agjoogaaga
kama maarmo
maankana cishqigu
kama maydhmo

Exit mobile version