VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Noqda aroos - Lyrics

Noqda laba iskaashada Noqda laba iskaafiya Noqda laba karaamaleh Kalgacaylka weheshada Oo kaalin weeyn gala Noqda laba kalsoonidu Ugu jirto kaliyo laab Oo necrb karaahida Iyo kaarka hadimada Noqda laba Karuur geele kabashada isdhaafsada Hayaban hayaban Hooya hooyaahee Hayaban Oo kaydka muxibada koolkooliyoo sida Xiisahana kalkii galay Ee kaahana la koowsaday Kordhiyoo karaariyaa Mowlihiin la kaashada Koolkooliyo sida Ha kufina Hakarina Oo kadeed hamudanina Keeyd adduun ha waayina Karaahina ka nabad gala Noqda laba Karuur geele kabashada isdhaafsada Hayaban hayaban Hooya hooyaahee Hayaban Oo kaydka muxibada koolkooliyoo sida
Queue is empty
-- / --