Noqda laba iskaashada
Noqda laba iskaafiya
Noqda laba karaamaleh
Kalgacaylka weheshada
Oo kaalin weeyn gala

Noqda laba kalsoonidu
Ugu jirto kaliyo laab
Oo necrb karaahida
Iyo kaarka hadimada

Noqda laba Karuur geele
kabashada isdhaafsada
Hayaban hayaban
Hooya hooyaahee
Hayaban

Oo kaydka muxibada koolkooliyoo sida

Xiisahana kalkii galay
Ee kaahana la koowsaday
Kordhiyoo karaariyaa
Mowlihiin la kaashada
Koolkooliyo sida

Ha kufina
Hakarina
Oo kadeed hamudanina
Keeyd adduun ha waayina
Karaahina ka nabad gala

Noqda laba Karuur geele
kabashada isdhaafsada
Hayaban hayaban
Hooya hooyaahee
Hayaban

Oo kaydka muxibada koolkooliyoo sida

Exit mobile version