Heesta Qormada Nolosha - Lyrics
Qormada noloshaa tahoo
Naftaad ila qeybsataa
Indhaha quruxbaad utahay
Qalbiga faraxbad utahay
Sidii ubax qaniyahoo
Kaso baxay meel qaboow
Halbowlaha qaaligaa
Dhexdiisa adaa qotoma
Jaceylku qabyoomi maayo
Nasiibku qaloocan maayo
Dadaal qasaari maayo
Wixii aan kuu qalmeynaa
Anigu kuu quuri maayo
Anigu kuu quuri maayoo
PAGE 2
Cindiga Caashaqaa tahoo
Adunbaan kugu qancaa
Rajada qiil baad utahay
Qowlkana sharaf baad utahay
Sidii qalanjiyo biciid
Kuwada nool quraca howd
Adaan ku qareensadee
Qaraabo jacayl ahaaw
Jaceylku qabyoomi maayo
Nasiibku qaloocan maayo
Dadaal qasaari maayo
Wixii aan kuu qalmeynaa
Anigu kuu quuri maayo
Anigu kuu quuri maayoo