Heesta Sinjigaa ma mideeyo - Lyrics
Soomaalaay soomaalaay
Soomaalaay geyigeenna
Cududaha
Kasamaysan
Maseetaynin
Mabda aygee
Dadkaygaa
Sumad ii ah
Hanka ruux ka saboola
Leh garaadka saqiirka
Sadna faanka u haysta
Yeey sinaantu dhibtaaye
Cidna hayb kuma sooco
Qalbigaygu sokeeya
Maaha seeero nin ootay
Waana saafi mugweeyno
Aan qabyaalad saraynoo
Soomaaloo dhanba qaada
Ha sugnaado ha sugnaado afkeenno
Hiddaheennu
Ma suulo
Samalooo
Calankeennu
Weligii ha sarreeyoo
Soomaalaay soomaalaay
Nafluhu sumaddiisa
Sooyaalka abkiisa
Sadriguu ku hayaaye
Wellee kayga ma sayro
Sifaha dhaqankeennee
Suubanee faca weynee
Ku salaysan diinta
Waxaan siisan karaana
Maba saarno adduunka
Oogadeenniyo saanta
Sinjigaa namideeya
Sumaddaynu wadaagno
Soomaali ahaanta
Sawraceennu ammaanleh
Ha sugnaado
ha sugnaado afkeenno
Hiddaheennu
Ma suulo
Samalooo
Calankeennu
Weligii ha sarreeyoo