Heesta Tamashlayn - Lyrics
Qalbigeyga tan ku taalay ku talaalan
Hablahaba ka tilmaaman taan gaclooday
Tafirtii dhaqankeena way tixraacday
Quruxdana waa tusaale aan la tiigsan
Timaheeda tidcan, teedsan dhabarkeeda
Talaabadaa socodkeeda, jooga toosan
Dhaxdeedu taako weeye buuxda taama ahoo
Tusmadii arageeda waan talaalmay
Dayaxoo toban iyo shan ku taagan
Tabtiisu nuurka weeye aan ku taamo
Tiriigaa, tiriigaa indhahayga weeye tooshka
Xiskeygaa tebeyoo ku talaalan
Ka taagan qalbigeygu tu kaleeto
Tahliil bay, tahliil bay u tahay taaha maanka
Heliyaalow, hoboow heliyaalow
Heliyaalow, hoboow heliyaalow
Yaa Jabuuti la taga xeebta teedsan
Yaa aroos ugu tuma, Tog Wajaale
Yaa tigaadda Galaadi ku taaliyo
Togdheer Allow ayaa tusa Daallo
Heliyaalow, hoboow heliyaalow
Eheey, heliyaalow, hoboow heliyaalow
Todobaad yaa Taleex kula qaata
Tamashleyn Xamar yaa u talaabsha
Yaa Tayeeglow intuu ku taswiiro
Ayaa taalooyin Wajeer uga taaga
Heliyaalow, hoboow heliyaalow
Eheey, heliyaalow, hoboow heliyaalow
Yaa Jabuuti la taga xeebta teedsan
Yaa Aroos ugu tuma Tog Wajaale
Heliyaalow, hoboow heliyaalow
Eheey, heliyaalow, hoboow heliyaalow!