Heesta Ubax nuuraay - Lyrics
samaan kuu naawilaa
dhibtana waan kuu nacaa
nasiibka allaa hayee
naftaydaan kuu huraa
carfiiga lagu neefsadiyo
qalbigaad naxaris u tahay
ubax nuurayaay
nuxurkii murtida
adigaa noqdee
nafsi maal heshee
ana kugu nastee
guushiyo nimcadaa
ku mahad naqnoo
naq baan kuu sahamiyaa
naxlina waan kaa jiraa
nasriga eebaa hayeee
niyada waan kugu hayaa
nolosha farxadeeda iyo
nabaadka indhaha u roon
adaan ku nisbayn lahaa
ubax nuurayoow
nuxurkiyo murtida
adigaa noqdee
nabsi maal heshee
ana kugu nastee
guushiyo nimcada
aan ku mahadnaqnoo
nac baan kuu diidayaa
naafana waan kaa jiraa
nasiibka alaa hayee
nabdiga waan kugu hayaa
naftu waxay kku raydaa
inaan kula nagaadoo
kula nolol wadaagee
ubax nuurayaay
nuxurki murtida
adiga noqdee
nabsimaal heshee
ana kuggu nastee
guushiyoimcada
ku mahadnaqnoo
nuuraa kuu noqon lahaa
nolosha kula qaybsan laha
alaa naxariis hayee
indhaha nuur baad u tahay
naf iyo qalbi kugu laamaan
laabtiyo niyad kuu hanwayn
miyay kaa noogayaan
abax nuurayoow
nuxurkiyo murtida
adigaa noqdee
nabsi maal heshee
ana kugu nastee
guushiyo nimcada
aan ku mahadnaqnoo