logo Masuul Top 100 songs lyrics chart Contact


A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ubaxa daalo mp3 ahaan

Fikradaada ka dhiibo heestan

Ubaxa daalo lyrics

xidiguhuba way damaan
ogoow dayax markuu joogo
adna dumarka qurux baad
ku dadi dahab la moodiiyeey
dadnimiyo xishoodkaba
adaan kugu doortay
dabciigiyo asluubtuba
naftay deeqday edabtaadu
da,day iyo filkaa iyo
anaa dumarba kaa soocday
aqal laba daryaalaan rabaa
xariir ku daahdaaye
inaan daadahayno
unad baan rabaa
kuna dadaalnaaye
dabcigaaga taa gali
guurka waa lagu dawoobaaye
Lyrics by Masuul.com

sida ubax danoodiyo
ka baxay doolo gudaheeda
aday daymadaada muunay
qoortu igu daashay
dookhii kalgacaliyo
adaan daacad kugu doortay
darajada hankaagiyo
hanaan doora kugu raacay
asturnaanta dadan iyo
adaan diiinta kugu raacay
dadab iyo aroos baan rabaa
inaan dakeeyaaye
culimada dikrigaan rabaa
inay duceeyaane
dabcigaaga taa gali
guurka waa lagu dawoobaaye

heesta ma shaqeeneeso fadlan nala socodsiiy
-- / --