Heesta Walaal - Lyrics
axdigiyo wadajirkeena
anigu kol ka weecan maayo
adoo wehelkayga doonay
waraabe ku siini maayo
wanaagiyo dhalashadeena
waqay ana xoori maayo
walaalkay dhimashadiisa
warmaha u afaysan maayo
hidaha dhaqankeena waara
anigu waydayni maayo
hoboloowa sidig dheh hooboloowa
ciidiyo wadankaan ku faano
waraaqa ku dooorsan maayo
hoboloowa sidig dheh hooboloowa
jacaylkaan wandaafinayno
macaaneey u wanqalayno
way dhankayga ka wiiqi maayo
caanaha ruuxaan wadaagnay
waabayda u laaqi maayo
hoboloowa sidig dheh hooboloowa
anoo wadi kara santiisa
xumaan u walwaali maayo
hoboloowa sidig dheh hooboloowa
wanaag anigoo karaaya
waxyeelo u quudhi maayo
hadaan wacaneey heshiinay
walaacii naga dhamaaye
allow aynaan is waayin
kalsoonidu waa muhiime
sidaan adi ku wakiishay
u waynee gurki galkeena
alloow aynaan is waayin