markaad xidhan tahay xijaabka
waxaa tahay xuuralcayn yar
markaad runta xeerinayso
xul baa tahay garasho fiican
xishood rabi baa ku siiyay
han baad leedahay xil qaada
ninkii ku xushaa nasiib leh
xaas kaad u dhaqdaa badhaadhay
qof loo xiqoo loo haybsho
xaqiiq waad tahay inaabti

markaan xagan iyo xagaa dayay
adaa xulad yahay xiiskii dagay
markaan xili dhexe xisaabtamay
adaa u xaqmudan cid loo xisho
xaqiiq ku nool gobaa tahay
quraan xafid diin leh baa tahay
kal xaadhan rabaa ku siiyay
xantiyo ma taqaanid xaasid
qof uur xalanoo la haybsho
xaqiiq waad tahay inaabti

Exit mobile version