xuduud ma leh fanaankuye
yaan xaasid lagu noqon
oo xuub qabiiliyo
yaan xumaan la daba wadin
xiska nabada koriya iyo
waa xubin nadiifoo
wuxuu ku xaragoodaa
xushmad iyo aqoon iyo
xilkas iyo wadininimo
hal abuur murtida xula
xogta iyo ujeedada
wanaag lagu xisaabtamo
xaq u dirir xumaan neceb
ka ilaasha xagashada
xuduud ma leh fanaankuye
yaan xaasid lagu noqon

xuduu ma leh fanaankuye
yaan xaasid lagu noqon
hidahay xambaaraan
dhaqankay xambaaraan
xaqa kama nagaadaan
runta kama xishoodaan
waa duul xalaaloo
xun xunuda beentiyo
xamxamtiyo dhibtaba gayin
hal abuur murtida xula
xogta iyo ujeedada
wanaag lagu xisaabtamo
xaq u diri xumaha neceb
ka ilaashada xagashada

Exit mobile version