Danta guud makarata
Daleel ma iska oodaa
Daawashada indhaha
Doog iyo xareed
Damac mey ku dalin

Diidaye naftaan iska daba wareeg
Dibadaha ku lumisee
Hadal daahsanoo
Soo marin dibnaha
Daqar yuu ku gaarsiin

Duni waalanoo
Dahab iyo diinaar
Doolar daba ordee
Dalaal iyo daryeel
Wada doodayaan
Daar wada rabaan
Deeqo luul adaan
Kaa doortay dumar
Duunyo haygu xirin

Daalban umaray
Damiirka ka helay
Dad iney idhashaa
Damaceygu rabaa

Page-2

Dadka lagama hela ruux
Darajo weyn kula doonaaye
Waa dahab darmoo
Deegaankena weyn
Dhanba dacal ka dagay

Dareen caashaqoo duufaano sida
Da’yarti indhuhuu
Udayoobayee danta garo adan
Dooq kuu xushee

Duni waalanoo
Dahab iyo diinaar
Doolar daba ordee
Dalaal iyo daryeel
Wada doodayaan
Daar wada rabaan
Deeqo luul adaan
Kaa doortay dumar
Duunyo haygu xirin

Exit mobile version