Aamina Camaari :
Waa isla soo mashaaxnee
Makaan xalaal
moole hanala soo maagee

Maasha allah waxaad mudnee
Inaan ku soo maamulee

Maal marabee moore igee

Waa ku maagee meer meer iga dhaafee

Anmaa ku moogee Muxibaan kuu qabaayee

Maanyo go’ayd ma maagtee
Macriifadaa madaxaa la saartee

Waa mahadee mac iyo maleel
Makaa masuugaayiyee

Maal marabee maanka ku haay

Waa ku maagee meer meer iga dhaafee

Anmaa ku moogee maxibaan kuu qabaayee

Maalin iyo habeenee
macaan badnoow
Murigtaad ihaysaaye

Waan ku maqlee maqsuud ahow
Adlee muraad kee ahee

Maal marabee moore igee

Waa ku maagee meer meer iga dhaafee

Anmaa ku moogee Muxibaan kuu qabaayee

Exit mobile version