Heesta Beeni raad maleh - Lyrics
deeganka illahay
aqal kuu ridaayo
dabka lama dul saare
dumarkuna ramaaskiyo
ramad geel nin maalay
raacraacayaane
qalbigaygu tuu rabay
raaliya noqotoo
ranka gaadhi waayaha
ana waan is raacshayo
riyadiyo huradaba
ayaan reer ku oode
xalaybaan riyoodayayo
ruuxan i eegsaday
raadkeeda gurayaye
anigiyo raxmoo qudha
ayaa rumad isla jooge
beeni raad maleh
beenlalow run mooda
raaxada aduunyada
ani waa iga raagte
risiqii alle ii garoo
midbuu ku raarmoo
la is gaadhi waayaha
roobkii da'aaye
raaxada aduunyada
ani waa iga raagte
risiqii alle ii garoo
midbuu ku raarmoo
la is gaadhi waayaha
wakhtigu iima roono
raga igama saaro
dhana iima ridaye
samaalaha haystiyo
maa la isku riixa
kala reebay daniyee
wax dhanban raafadayo
rucle orod ku daalo
raaxadeeyay gabadhee
taarikhdu sheegtee
raginimo lagama waaye
beeni raad maleh
beenlalow run mooda