VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Af madoobeey - Lyrics

indhahaa ooyayee kuu ilmaynayee afmadoobeey xaggee aadday kuma arkee ilnugaylkii haweenkaa la aamusee anfacoo waa jacayl baan laooyayaaa edabtiyo asluubtaad ku abaabtayoo indha deeqaay adaan ifka kuu jeclahay aawadaa jacayl baan la eedaadayoo uurku taalliyo amakaag baa idilay garta ay shaxdiyo afta moodoog leh erer gee baan lahaa asalkeeda godeey afka soomaaligaan ku ammaan lahaa waa aqyaree jacaylka ku abaabiyo ku abuur baan lahaa u abaal gudoo umugyada jirkaan ku anqari lahaaa aawadaa jacayl baan la eedaadayoo uurku taalliyo amakaag baa idilay indhahaa ooyayee kuu ilmaynayee afmadoobeey xaggee aadday kuma arkee sida baaharya baad ama ilo biyo leh araggaagaan ayaaneey ku oon baxaa axaddiiyoo dhan baan kuu rashaaqayee ina adeeroo maxaad iigu imaan la adahay sida ubad la dhalay u ilaaliyooo waa amaanee jacaylka adkee baan ku iri ooridiisa wiilkaan ahaan lahaa ina adeerkayoow armuu adiga yahay afariyo tobnaadka gaar araarsin gee ku aroos baan lahaa markeey ku agfadhido indhihii jacaylka ku eeg baan lahaa ililada beerka ku aaddiyoo ha asiibtaan lahaa ugub weeyee ayaan ax markii ay tiraah aaamusi baan lahaa aawadaa jacayl baan la eedaadayoo uurku taalliyo amakaag baa idilay indhahaa ooyayee kuu ilmaynayee afmadoobeey xaggee aadday kuma arkee alla duamrka dushoodu diiranaa ma dabbaa alloow yaa isku duuga koor dabayli dhacayso dayro daabka nasiiya
Queue is empty
-- / --