indhahaa ooyayee
kuu ilmaynayee
afmadoobeey xaggee
aadday kuma arkee

ilnugaylkii haweenkaa
la aamusee
anfacoo waa jacayl baan laooyayaaa

edabtiyo asluubtaad ku abaabtayoo
indha deeqaay adaan ifka kuu jeclahay

aawadaa jacayl baan la eedaadayoo
uurku taalliyo amakaag baa idilay

garta ay shaxdiyo afta moodoog leh
erer gee baan lahaa
asalkeeda godeey afka soomaaligaan
ku ammaan lahaa

waa aqyaree jacaylka ku abaabiyo
ku abuur baan lahaa
u abaal gudoo umugyada jirkaan
ku anqari lahaaa

aawadaa jacayl baan la eedaadayoo
uurku taalliyo amakaag baa idilay

indhahaa ooyayee
kuu ilmaynayee
afmadoobeey xaggee
aadday kuma arkee

sida baaharya baad
ama ilo biyo leh
araggaagaan ayaaneey
ku oon baxaa
axaddiiyoo dhan baan
kuu rashaaqayee
ina adeeroo maxaad iigu
imaan la adahay

sida ubad la dhalay u ilaaliyooo
waa amaanee jacaylka adkee
baan ku iri

ooridiisa wiilkaan ahaan lahaa
ina adeerkayoow armuu adiga yahay

afariyo tobnaadka gaar araarsin gee
ku aroos baan lahaa
markeey ku agfadhido
indhihii jacaylka
ku eeg baan lahaa
ililada beerka ku aaddiyoo
ha asiibtaan lahaa
ugub weeyee ayaan
ax markii ay tiraah
aaamusi baan lahaa

aawadaa jacayl baan la eedaadayoo
uurku taalliyo amakaag baa idilay

indhahaa ooyayee
kuu ilmaynayee
afmadoobeey xaggee
aadday kuma arkee

alla duamrka dushoodu
diiranaa ma dabbaa
alloow yaa isku duuga
koor dabayli dhacayso
dayro daabka nasiiya

Exit mobile version