koowdii ginbood jigjiga
yartaaan kula kulmaay
markastaba xusuustayda
kayd baad kutahay

kalmaddaad itiri
igu kalloowdayoo
kalgacaylkaagu laabtuu
dhex kuududaaa

kun gabdhood ka rooneey
nin kula kaftamay
kulli dumarka kale
wuu ka kaaftoomayaa

koobka quruxda tii
kaligeed qaaddayee
faafan lagu korshaay
kuma deeyn karee
kaalay nolol ka qaad
aan is kaashannee

kolba aan daawadoo
aayar koolkooliyee
kurka yaa iisuroo
yarta koor iiga dhiga

kulligood hablaha
adigaa kolleey
u koreeya oo
waad karaamaysantahay

kubabkaaga buuxa
ee aan kala dhigneeyn
kolkaan eegabaa
kalgacal igu kordhaa

koobka quruxda tii
kaligeed qaaddayee
faafan lagu korshaay
kuma deeyn karee
kaalay nolol ka qaad
aan is kaashannee

Exit mobile version