geesi maxamediyoo
gaari faadumooy
labadeeydii gacmood
oo gobbaad tihiin

gar allee
ku guulaysta
guurkiinna oo
gurigaad dhisteen caafimaad ku gala

galbiskiyo aroos
iyo guri kalgaba
farxaddaad ku gaadheen
tuma giblada

guga maantaa caruur baad
gardaadisaan
heello gacallayaal wiilaliyo gabdhaba

gaari faadumiyo
geesi maxamedoow
gacaltooyadaan isku guursateen
alle idiin ku garab gal go aankiinna oo
guulla idiiinka beer
wiilaliyo gabdhabaaa

faaduma geyiga
geesigii ku jiray
yartii guursataay
gacal kuu ducee

gabar sharaflahoo
gaariyaad heshayee
ninka guursadoow
guude waad hantida

galladiyo ducaan
guudka idiin surnayee
kolkastaba ilaah
haa idiin garab galoo

gaari faadumiyo
geesi maxamedoow
gacaltooyadaan isku guursateen
alle idiin ku garab gal go aankiinna oo
guulla idiiinka beer
wiilaliyo gabdhabaaa

Exit mobile version