VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dhaxda taako mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Axmed budul
Dhaxda taako

helleele helleele

sida dhiggaad
jirkayga dhex qaaddayoo
dhimirkaygaad
dhammayseey
ku dheeraran tahay

dhigta iyoo sida
udub la isku dhaaday
baad iigu dhidbooo
la igu kaa dheelitiray

dhabanadaada iyoo
dhexda taakadaa
markaan dhugtaa
tumaaddii la igu dhuftaa

dhudhumada dartaa
dhulka kuma hayoo
sida ruux dhutinayoo
kalaan dheeliyaaa
cabdiyoow dheelliyaaa

dharaariyo habeen
aan isdhowrannee
ha iga dheeraan
huunnooy faadumooy soo dhawoow

dharaariyo habeen
aan isdhowrannee
ha iga dheeraan
huunnoow cabdiyoow soo dhawoow

oo dharab lahoo
sida dhibic roobkaad
dhalaaalaysaaaaa

dhalandhoolay goortii
aaan dhoofayoo
dhulkii hooyoo
aad dhex joogtaybaa
la iga soo dhowrayaa

soo dhaqaaq
markaan kuu dhawaaqo
oo dhalinyarada kale
iiga dhaga nugloow

kala dheeraanshaheennaa
dhibba keenayoow
haddii aad ii dhowdahay
dhulba kumaan dhigeen

dharaariyo habeen
aan isdhowrannee
ha iga dheeraan
huunnooy faadumooy soo dhawoow

dharaariyo habeen
aan isdhowrannee
ha iga dheeraan
huunnooy cabdiyow soo dhawoow.

codkii Axmed budul