waqa nimaan aqoon ma dhaantayn karee
murti dhaxal gala iyo xaashi ma idiin dhigaa
dhadhan hadal lahoo dhuuxa hoosa iyo
dhiiga idin dhaqaajiya ma idin dhahaa
dhalinyarada xamareey sida dhabta ah
laba wada dhashoo isku dhiigaynu nahay
dhisma wacanta iyo DDSI
waa dad isu dhawoo kala dheeraan karayn

hablo dhaban lahoo dhexdu madagtaa
dhulka soomaaliyeedo dhan laga helaa
dhibkii hore dhacay wuu dhamaadayoo
dhanka nabada xamar maanta way dhawrsan tahay
dhisme wacanta xamar iyo DDSI
waa dad isu dhawoo kala dheeraan karayn

Exit mobile version