Heesta Gayaan - Lyrics
gabadhi doole eey
guudka loo dabaay
waxaa tahay gayaan bila
gaariyeey
garashiyo aqoon iyo gobonimad
kaligaa gaar u leedahay geesiyoow
sida geenyo faras ama geeny haldhaa
gole joogsigaagan gobaadey ka helay
sida geed hadhloo warta gaafoow ku yaal
ayaan gurada iyo guudka kaa daawadaa
gabadh yahay garloo gubayoo geelu dhalay
iyo gole barwaaqa ah baan ku gaynayaa
gaban yahoow qaliile iyo gankiisiyo
iyo adoo gugii helay maan ku guri gallnaa
gobol taariikh leh iyo waxaan kugu galbinayaa wardheer gaariyeey
gobol taariikh leh iyo waxaad igu galbinaysaa wardheer geesiyoow
yaa galaadi iyo bookh ku geeyo
galabtii caano geel gaawe kuugu shuba
gayigeena wacan kama guurayee
garbo rogada iyo guuxa ila ciyaar
galka waafi xareeda ka galac leh iyo
gobta reeru taal ku gaadhsiinayaa
gafi maayo mirir gugu helee
waa inaan dhex gaardiyo hadiyo goor
gooso yucub ka baxay oo guduudatayoo
gacmahayga hoobaanta kuugu gur
goonyihi hagoogane gacaliyoow
gabalkii dhacaba yaa ku tuma giblada