gobolkii doolo gabadhii ku dhalateey huunooy
alleylahe gobaa tahay garasho dheer huunoooy
guulihii ku uumay gashaantiyaay huunooy
gole joogsi iyo qurux kugu galaday huunooy
gondaihiyo kubkaaga is gaadhsiisan huunooy
gacmahaad ku laafyoonaysaan la gagabay huunooy
huunooy gaari kaamileey gabdhahoo dhan
mid ku gaadha la waaye bal garwaaqso

gayigeena iyo gobolada dalkaba huunooy
gabadh joogta oo ku gaadha la waa gaariyeey huunooy
goo go, lacaga iyo geela iyo farduhu huunooy
garbasaar kaamil ma goyn karaan huunooy
galaadi iyo bookh degmadii galxamur huunooy
gobta joogtaan salaantayda gaadhsiinayaa huunooy
huunooy gaari kaamileey gabdhahoo dhan
mid ku gaaadha la waaye bal garwaaqso

Exit mobile version