ma ogtahay anoo meel fog kaaga maqan
mudutuul baad bartaag iigu soo muuqataa

mudanihii raggoow waaad i maamushoo
maskaxdaydaad cabdoow ka dhex muuqataa

maarya ubaxliyo sida muraayaddaan
midabkaagana mulaaxda ah milicsadaa

maarleey dumaray ninoow i maquunisee
anba muxubadaada ku maran wadnaha

yartii miirkhaliifa u maayeey heeliyey
muqlahoogaaya tegiyo marsin yaa lataga

sida maylinkaaa la igu kaa mudoo
markastaba adaan maanka kugu hayaaa

maalin iyo habeen kaama maarmayee
mataantii jacaylkaay ha iga maqnaan

sida maylinkaaa la igu kaa mudoo
markastaba adaan maanka kugu hayaaa

mirahoo bislaadoo macaanaadiyo
sida malabkii baan kuugu muhanayaa

sida maylinkaaa la igu kaa mudoo
markastaba adaan maanka kugu hayaaa

mahiigaan ku hooray meel cosoboo
wajeer iyo maadh soo bixiyee
muuqaalkaaga lagu mataalaayee
magoolkii dhirtiyo maliyo ubaxbaa
muuqaalkaaga lagu mataalayee

magacaaga markii aan maqlaan maan qaboosanayaaae

maskaxdeydaad gashoo cabdoo ka dhex muuqanaysaaayeeeey.

Exit mobile version