qiimihii aduunka waxaa loo qadimay
qof degmada yaxoob qormo looga dhigay
ifka qabooba roob qaadi waayaye
qaydarada xareed ka qalac tidhaa
qaadatayoo udgoon le igu soo qaadaysaa
qardha hiiliyiyo qardadii burqaan
qof ku koray dhul kale miyuu qaban karaa
quruxdaba yartaa qiimahaba lehee
qoorta lulaysa ee aann la quudhi kareen
qalanjada yaxoob ma wax laga qadaa

Exit mobile version