xulkii quruxdii dumar xaq u yeeshayoow
xidigihii haweenkaad xaqiiqdii tihiin
xurmo badan gabdhahanaga lagu xusaa
xaragiyo sharaf baad ku xeel dheertihiine
xilkas weeyaan baa gabdhaha lagu xeel baxo
waa xalaalee illaahay hanoo xafido
ha iga tagin kaama tago iska waran
xishoodkiyo quruxdooda gabdhanaga loogu xishaaye

xubno xaadxaadsanaan qurux lagu xardhiyo
xubno toosnidaad xaawaley dheertahee
waa xidigoo gaboo xumaan laga hufoo
waa xalaale gabdhuhu xoolu dhaladsanaa
ha iga tagin kaama tago iska waran
xishoodkoogiyo quruxdooda gabdhahanaga loog xishaaye

Exit mobile version