marka socotee saydhi gacanta midig
saar geenyaleeyey si baan noqdaa

raga soomaalida adaa ugu sitee
u sareeyee salaantiyo sacabka keen

saqda dhexe hurdada saani uma gam,oo
seexan waayayoo saamalaylbaa i dilay

anba saablayda iyo sararaha jidhkiyo
sambabkaygaad gashoo ku samaysan tahay

marka socotee saydhi gacanta midig
saar geenyaleeyey si baan noqdaa

raga soomaalida adaa ugu sitee
u sareeyee salaantiyo sacabka keen

saqda dhexe hurdada saani uma gam,oo
seexan waayayoo saamalaylbaa i dilay

sida sahan maqnaa inaan kuu sugo
nafta kugu sasabo saa miyaad ii ogtahay

sabaad seeri aan bixiyee
sokeeyuhu nimcooy ma ikaa siine

waar sokeeyuhu wuu ikaa siine

sukroon soo baxdiyo cadceed subaxbaa
sidaa tahay lagu sifeeyaaye

waar sidaa tahay lagu sifeeyaaye

suwaysiyo saanad yaa u lisoo
ku sooryeeya caano saafiya

ku sooryeeya caano saafiya ah

Exit mobile version