hiiiqsiga oo talaabada e habon
markaan halacsado
saw masoo hinqado

hurdo dhaga ma seexdoo habeenkiiyo
adaan had iyo jeer laabta kugu hayaa

ana habeen badhkii soo haliilayoo
hurdada iyo habeen seen isula helaa

halbawlaha wadnuhu dhiiga ima harkoo
hurgumada jacaylkaan la hiin raagaya a

haasaawiyo jacaylba anaa kuu hayee
aan heshiiinee hurdiyo hoy ma wada galna

huunoo waan kaa heloo kaama hadhi karee
ma hubtaayoo naftayda ma hanan kartaa

hogol roobeey hablaha taan ka doortaay
hir caleenlaay hareeri magoolaay
waan hubaayoo hanaankaaga waan ka helaaye
halaaaaleee

geel horwayna iyo hanti baan kaa bixine
hoo jacaylkoo heshiiskeena hawl yare

inaa tahay halyeey horaa loo bartaa
axmed hori watoow hirwo ila ciyaar

halka lagu hirtiyo hayb wanaagsaneey
hooyo sharafle iyo nin halyeey ah baa ku dhalay

markaan hawdka mari ama haanta hili
hiyigiyo naftuba way ku hadal hayaan

hogol robeey hablaha taan ka doortaay
hir caleenlaay hareeeri magoolaay
waan hubaayoo hanaankaaga waan ka helaaye

Exit mobile version