Heesta Bal qosol - Lyrics
labaa nahay isku qalmee
bal qosol aan kula qoslee
ilkaha adigoon qayixin
qunyar dhoosha ii cadee
laabtaana igu qabo mcn
macalin kuu qiray anigu
inaa tahay qaraami wayn
qabiirna k tahay hablaha
qalbiga sida looga xado
dareen qiirada jacayl
quluubta aan kuugu shubo
qibrado xiisaha kalgacal
quseeya aan kuu dhigee
gacalo u qushuux xubiga
gobaa tahay qaaliyoo
qiirada caashaqa yaqaan
qadarin iyo haybada ku leh
nolosha taad la qaybsatana
qanciye kuu bixin lahayd
qofyahay aan la quudhi karin
qureysh soo daahirtaay
qoraxda nuurkeediyeey
bogayga ma kuu qalaa
qayb dhan ma ku seexiyaa
wiil yahoow aan laga qawadin
qarnigan hanadkiisiyoow
qurmada sharaftoodiyoow
dhiigayga qaar makuu shuba
ma kugu quusiyaa niyada
dareen qiirada jacayl
quluubta aan kuugu shubo
qibrado xiisaha kalgacal
quseeya aan kuu dhigee
gacalo u qushuux xubiga
gobaa tahay qaaliyoo
qiirada caashaqa yaqaan
qadarin iyo haybada ku leh
nolosha taad la qaybsatana
qanciye kuu bixin lahayd
lyrics by Ismacil Ahmed