Kala fiican dumarkuyee
Fahamda iyo aqoontaad
Filka iyo hablaha kacay
Fartuunee ku dhaaftee

Cadceedoo falaaraha
Daruuraha ku fadisaay
Ubax fara ku yaalaa
Daymada fajicisee
Daymada aragtida
Daymada fajicisee

Kuna faanin maayee
Inta firata qeerkaa
Tan ufiican baa tahay
Fartuunee tan ufiican baa tahay

Fara badan habeenkuye
Markii aan ufiirsaday
Marwo sharaf ku dhalitiyo
Fartuun gob baa tahay

Ficilkiii iyo dadnimada
Dadka farax ku beertoo
Fartuunee gob baa tahay

Kuna faanin maayee
Inta firata qeerkaa
Tan ufiican baa tahay
Fartuunee tan ufiican baa tahay

Exit mobile version