Heesta Hooyo - Lyrics
Hooyoy jirkaagiyo
waxaan ahay lagaa jarey
jeex kaamidaan ahoo
hooyo waan ku jeclahay
jiritaanka dunidiyo
joogitaanka aadmiga
Jirad laga abuuroo
Aan jabeen baa tahee
jaahaaga hooyo
nafteyda ujeelanee
OO aan jiifsaneen
Ifka nabad ku joogoo
Cadawgaaga ha ujabin
Hooyo cadawgaaga ha ujawin
Rabi naarta jahnama
kaa xurey jaxiimo
jiifso farduusoo
Janada ku nooloo
Hooyoy jawaab qura hooyo
anon juuqba garaneyn
adigey ijecleestee
ijeqsiiyey naaskee
Aadmi johoradiisiyo
waxaad tahay jirkiisiyo
jeer qura la'aanta
lama joogi karayee
jaahaaga hooyoo
nafteyda ujeelana
oo aan jiifsaneyee
ifka nabad kujooge
cadowgaada ha ujawin
Rabi naarta jahnama
kaa xurey jaxiimo
jiifso farduusoo
Janada ku nooloo