Heesta Irmaan - Lyrics
Haleelada irmaaniyo
Sidaan ahay harweel lumay
Adigaa had iyo jeer
Hamigayga kiciyee
ma ila qaban halkaan rabo
Bal hadii heeboo
Kuu hareero geedo
Haataabo ku iraah
Halkee baynu dagi lahayn
Bal maxaynu xidhan lahayn
Hadalse kee i oron lahayd
Waxaan hodo dagi lahayn
Halka eebo noo raro
Waxaad ka xiran lahayn
Hadba hooyga waxa yaal
Hadalse waxaan ku oron lahaa
Hadba hadalka kugu haboon
Haasaawahaagi hadaladu ideeqoo
Taa hoos udhaafoo
Ciidayna hodanka
Halkeed ii horkacin lahayd
Hawdkii doolo iyo wardheerko
Kiladii shabeeliyo
Oraxay kala harin
Jaraar halbooliyo
Iyo jigjigo wayn
Hodantii libaaniyo
Nodob hareeraheediyo
Hargeeliyo iyo afdheeriyo
Sideed iyo hido iyo dhaqan
Hayboo goormaan
Iyagana ku hoyanaa
Hibo hawadeena qayrka leh
Hibooy cadceed aan hafi lahayn
Hibooy halka doonto waa dagi
Heeboo geedaha qaboobiyo
Heeboo haadkiyo shibir leh
Heeboo adna daawo hagar la'i