VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ladnaan - Lyrics

markii caashaqeenu laalmay dhagihii maqalkoodu liitay indhihii aragtida liciifay markaan libintii haleelnay nuurkiyo laliskaa u toosay laxawgii kalgacaylku beeray ladhkii caashaqu damqaayay xubnihii caatada la liicay markaan libintii haleelnay intaba waa laga ladnaaday lamaanaha caashaqeena liibaantiyo wada jirkeena ladnaantiyo raaxadeena inagoo laacdamayna liskiyo caashqaan wadaagnay hadaan wada loolatamayno fiidkii wada laydhsigeena qalbigii lahashada ku daalay ha laasimo aragtidaada hoygeena ku laabadkiisa laabtuu boholyawgu jiifay lurkiyo caashaqu ha daayo Lyrics by Ismacil Ahmed
Queue is empty
-- / --