Heesta Ladnaan - Lyrics
markii caashaqeenu laalmay
dhagihii maqalkoodu liitay
indhihii aragtida liciifay
markaan libintii haleelnay
nuurkiyo laliskaa u toosay
laxawgii kalgacaylku beeray
ladhkii caashaqu damqaayay
xubnihii caatada la liicay
markaan libintii haleelnay
intaba waa laga ladnaaday
lamaanaha caashaqeena
liibaantiyo wada jirkeena
ladnaantiyo raaxadeena
inagoo laacdamayna
liskiyo caashqaan wadaagnay
hadaan wada loolatamayno
fiidkii wada laydhsigeena
qalbigii lahashada ku daalay
ha laasimo aragtidaada
hoygeena ku laabadkiisa
laabtuu boholyawgu jiifay
lurkiyo caashaqu ha daayo
Lyrics by Ismacil Ahmed