VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Mahuraan - Lyrics

Mid Naftayda miratoo Qalbigan ku milantoo Oo maan la moodaa Meeshii aan marayba ii muuqaneesoo Aan kamaarmi waayaay Igu maa xaaneeseee Mahuraankii nolashaa Ma dhaafaankii dumarkiyo Marwadii kalgacalkaay Maankayga deeqdaay Mar waxaan iraahdaa Waa mid xuuralcaynoo Marna waxaan iraahdaa Ifka tani ma jooginee Muleeqa markale timid Mawlaha ilaahay Maamulaaya aduunyada adna Kugu maray qurux Anna Malab dushaadiyo Macdan igu kaa waran Midibkaaga nuurka leh Maariinka dheeha leh Maaraha xubnahaiyo Marmarka iyo canbaaryaha Mar waxaan ku moodaa Hablahii makaadiyo Marna waxaan ku moodaa Mayqaaaso roobaad Ka dhaxmuuqaneesaa Mawlaha ilaahay Maamulaaya aduunyada adna Kugu maray qurux Anna Malab dushaadiyo Macdan igu kaa waran
Queue is empty
-- / --