Heesta Nuxur - Lyrics
Nimcooy keemaha nabadeed
Naqiiq qoraxii ku yiil
Ubaxa laamaha ku naban
Kuwii wada nuugiyo
Nagaadiyo baan nahee
Naftayda adaa sidoo
Adaa raali ii noqodee
Qalbiga nugul caashaq siiyay
Ku noolee nuxur macaan
Adaa nabarada dayoo
Adaa dawada ii noqdee
Qalbiga nugul caashaq siiyay
Ku noolee nuxur macaan
Nimcooy nabad iyo jacayl
Ayaanta la naawilee
Wacyada ubaxyada cishqiga
Dadkoo dhan naadiyaan
Niyada adiga kugu lamaan
Adaa nabarada dhayoo
Adaa dabo ii noqdee
Qalbiga nugul caashaq siiyay
Ku noolee nuxur macaan
Naftayda adaa sidoo
Adaa Dawo ii noqodee
Qalbiga nugul caashaq siiyay
Ku noolee nuxur macaan
Naftayda adaa sidoo
Adaa raali ii noqodee
Qalbiga nugul caashaq siiyay
Ku noolee nuxur macaan