Heesta Suhuur - Lyrics
Sanku neeflo aadmigu
Ma sinaado weligii
Tii sharaf u sidateee
Dumar ugu sareysaay
Ma adigaa suhuurey
Siday aniga ila tahay
Weli aadmi kula siman
Ama suuradaada leh
Oon kugu sifeyn karo
Weli Soomaali kama dhalan
Sahankaaga guurkana
Nimaad silic kumudato
Ku saluugta noloshoo
Kaa dhawrin siigada
Calaf kuma siiyo
Nasiibku haku saacido
Sanadkii aad dhalataa
Cirka sagal ka hooroo
Saadaaha barawaaqiyo
Samadoo ka furan qayr
sahuuree la ku latee
Waalidkii safnaa
Samo kugu barbaarshee
Kaa dhowree saxarkee
Rabbi siiyay Gobaninimo
Adna kama sokeesidee
Sahankaaga guurkana
Nimaad silic kumudato
Ku saluugta noloshoo
Kaa dhawrin siigada
Calaf kuma siiyo
Nasiibku haku saacido