Jacaykaagu Xabiibi
Xiriirkii iyo lafdhabartiyo
inuu xulay jirkaygoo
Xididdada ku sii fiday
Miyaanad xasuusneen

Caashaqaagu Xayaatii
Xeedaabka Beerkiyo
Inuu Xaruun ku yeeshoo
Xiskayga ku ladanyahay
Miyaanad xogtii helin

Yaa xilkaaga qaadoo
Xaruun Nabad taaliyo
Meelaan lagu xanuunsan
Xasilooni kugu dhaqa

Xaaskaygii aayaha
Hadduu Xaakim kaa dhigo
Intaan ku xanbaaro  oo
Xajka kula dawaafaan
Xaashay ku sidi lahaa

Exit mobile version