Heesta Feedha - Lyrics
feedhaydii bidixeey
fadhi iima yaalo
fiidiyo habeen galay
adaan kugu dakeynayaa
hablaha facaagana
dibnahayga uma furo
farxadeeni dhexdeena
oofiya ma ogtahay
furuhii jacaylka
farahayga dhaafe
aynu kala fogaane
ma furdaaminaysaa
ficil lagaama maarme
oodaydii horeyiyo
faankayga kaliyee
fagaaraha la tagayaa
ala faxane guurku
fara jeebo weeyo
waxa nolol ka faa'ida
labada isla fahantee
furuhii jacaylka
farahayga dhaafe
aynu kala fogaane
ma furdaaminaysaa