burdaha caashaqan ku beeray
bisinka u qabtoo bilaabay
maxaa i baday barashadeedoo
baylahda kalgay i saaray
miyay bidix midig u baydhay
miyay beri shalay u booday
runtiyo beentuna is boooben
bil iyo sanad intaan bilkeedin la
hadaan birtiyo is bara dhagaxa
balaysimo oo ku beero jacayl
hadaan beri hore u baaqi lahaa
bbcda ka baafin lahaa
jawaabi beri horay kasoo bixi lahayd

yartii barashada igu beerty
u baashiray badi warkayga
markaan u bandhigay jacaylka
miyay barbar kale u baydhay
ha bud dhigin naftoo badbaadi
baxnaani kulantideenoo
ha baylihin barashadeena
bil iyo sanad intaan bilkeedin la
hadaan birtiyo is bara dhagaxa
balaysimo oo ku beero jacayl
hadaan beri hore u baaqi lahaa
bbcda ka baafin lahaa
jawaabi beri horay kasoo bixi lahayd

Exit mobile version