asal maaha guurku
hadaan loo abtiranayn
inaguna sidoo kale
laba wayno uumoo
is jeclaaday baan nahay
aduunkaa arkaysiyo
aadmiga intaa leeg
oogada dubkaa sare
afrikaan kasii aal
arag maqal asaamaha
oori xalaala ninkii helaba
ifka aayo wacaniyo
ixtiraam ku nool

ma adkaado caashaqu
hadaan la is aaminin
afka dhaqankii soomaali
laba aan kala irdhooobinoo
isku ood xigtaa nahay
arin iyo ismaqal
aqal lagu yagleelaa
aqal lagu yagleela
sacab loo alkumiyo
aroos loo mashxaradaa
arag maqal asaamaha
oori xalaala ninkii helaba
ifka aayo wacaniyo
ixtiraam ku nool

Exit mobile version