Muunada quruxdiyo asluubta
Milgaha sharaftiyo xishoodhka
Manshee socodkiyo hanaanka
Ayaaa maankeyga deeqey

Adaa maamula hankeyga
Cindiga hantiyo maqsuudsha
Halbowla dhiiiga miirsha
Adaa mulkiyoo daweeya

Adaa iga mudan xaqdhowrka
Manshee sharafkiyo wanaaga
Adoon caashaqa ka maarmeyn
Macaan ila qabo xagaaga

Milicsi aragaaga nuurka
Maariinkiyo iyo dheeha muuqda
Maareeyo dhaayahii jaleecaa
Ayaa muxibada ilmeeya

Malaayiin haween aduunka
Midaan kula simo aqlaaqda
Ama aan kula masaalmo
Macaan weli indho ma saarin

Adaa iga mudan xaqdhowrka
Manshee sharafkiyo xishoodka
Adoon caashaqa ka maarmeyn
Macaan ila qabo xagaaga

Exit mobile version