dhibtooday jaceyl dartaaye
wanaag miyaanad daadeyn
dhantaashay habkii wacnaayee
xumaanta miaanad dhaafin
dhuguhooyow dheefsadey
qalbigan dhaawacu kuyaalo
ee aad waliba ku dheeshay
miyaanad usoo dhawaaneyn
dhabaan kuula hadlayaaye
hadaanad sidaa wax dhaamin
dhacdooyinka caashaq reebo
adaa dhitadooda yeelan
naftan kuu dhabar adagtay
marnaba haku dhago adkaanin
aday kugu dhadhamaysaa
dhamow weheshiga ha diidin
inbadan bay indhaha
haday ku dhu yaashey
oo aad dhiigeeda raacdey
miyaanad dhinaceega eegayn
dhabaan kuula hadlayaaye
hadaanad sidaa wax dhaamin
dhacdooyinka caashaq reebo
adaa dhitadooda yeelan

Exit mobile version