laxawgii kalgacalkaa
laasimay naftaydoo
igu laba kacleeyoo
waanigan lalabayee

ladanow daraadaa way
labi dheer i saaryoo waa
anuu layl habeenimo
hurdo ladiba waayee

adigoo lilaahiya lilaahiya
lurka iyo hadimiyo
iga daa lugooyoo
caashaqan i laylyaday
aan kaba ladnaadee

laab dareen u nugulbaa
laba aad ku tahayoo
dookhu kugu lamaanoo
kaa maarmin ladanow

leeb jacaylku igu ganay
laydh ku dhaaf jidhkaygoo
lafahayga dhaafyoo
ku lifaaqan dhuuxee

Exit mobile version