beerka iyo qalbiga
kalgacayl aan baxayn
yaad ku beertayoo
waxaan ahay bastay

bishan iyo bil kale
adiga barashadaa
baahi aan kuu qabaan
ugu dhacay badwayn

bari iyo galbeed
banka wayn ee jigjiga
baadi doonkaagibaan
dhulka badi u maray

naftan baahanee
adi kuu buktaa
bidhaantaada qudha
ku badbaadiyaa

boholyawgaagibaan
u basaasayoo
waxaa tahay basraay bar wadnaha ku taal

markaan baashihiiyoow
bidhaantada helay
ka bogsaday halki
boogtu igaga taal

inta bilicsamee
baarka wada fidhaa
adi kaa bartooo
kaala baxay hablaha

inta boqole iyo
wiil barbaara tuban
adaan kaa bartoo
kaala bixi lahaa

Exit mobile version